Sheekada 5d WAN IYO ORGI

Sheekada 5d WAN IYO ORGI

Waxaa la wada og yahay in xooluhu ay u kala baxaan saddex meesi; geel, lo’ iyo ari. Meesiga la yiraahdo ari baana keligii laba jaad u kala baxa, waxaana weeye riyo iyo ido. Waxaa kale oo jirta inkastoo labadoodu isku xero galaan isku meelna daaqaan haddana isuma eka, isku baxaallina ma aha. Riyaha iyo iduhuna waxay sarmad walba la kulmaan xilliyo badan oo kala geddisan oo riyuhu ay orgoodaan iduhuna asoolaan.

Xilliyadaas la soo sheegay mid ka mid ah baa goor ri- yuhu orgeysan yihiin wan wuxuu la hadlay orgi wuxuuna ku yiri: orgiyow marka riyuhu orgeysan yihiin baan qalaadkaaga lala joogi karin ee waxaan kaa codsanayaa inaad qayladaada hoos u dhigtid maxaa yeelay habeenkii baannu kaa seexan wey- naa. Orgigiina marku intaas maqlay buu yaabay oo wuxuu u  maleeyey inuu wanku waashay sababtoo ah wuxuu ku aqoon jirey edeb, miyir iyo shanqar yari. Markaas kaddib baa orgigii jawaabey oo wuxuu yiri: Wanow waa gartaa inaad hadalkaas oo kale i tiraahdo maxaa yeelay adiga xilahaagii baa Ilaahay ku oggolaysiiyey, anigana kuwaygii baa iga cararaya. Sidaas baana kungu waacan inaad igula yaabto qalaadka iyo orodka badan.

Markaas dabadeed baa wankii u garaabay orgigii mar- Kuu ogaaday kaddib jarreerada Ilaahay u galay iyo inuu ka Jadan fiican yahay orgiga dhibaatada la arkay riyuhu Ladeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *