Soomaaliya waa dal ku yaalla geeska afrika. tirada dadka soomaaliya ku nool waa 15 182 000 malyan. Caasimada Soomaaliya waa Muqdisho ama Xamar. Caasimadda Labaadna waa Hargeysa, midda seddexaadna waa Kismaayo. Soomaaliya waxaa mara laba wabi oo kala ah Juba iyo shabeele. Soomaaliya waxay leedahay xeeb dheer oo ku teedsan gacanka cadameed dhanka waqooyi iyo badweynta hindiya ee dhanka koonfureed.
Soomaaliya waxay xuduud beeneed kala leedahay dhanka galbeed Itoobiya,Jibuuti dhanka waqooyi, Kiiniya dhanka koonfurgalbeed.
Soomaaliya qeybo ka mid ah waa buuro. Waxaa ugu dheer buuraha soomaaliya buurta Surad oo dherarkeedu yahay qiyaastii 2408m. Surad waxay ku taallaa gobalka Sanaag.
Soomaalidu waa isku af. Waxaa lagaga hadlaa afsoomaali.lacagta soomaalidu waa shilin. Cimilada soomaaliya waa mid dhexdhexaad ah. Inkastoo laga helo meelo aad u kulul iyo meelo aad u qabaw.
Soomaaliya xukun ahaan waa jamhuuriyad fadaraal ah tan iyo intii laga soo bilaabo 2000. Waxay u qeybsan tahay lix dawlad goboleed oo kala ah Puntland, Galmudug, Hirshabeele , koonfurgalbeed, jubaland, Gobalka banaadir iyo Somaliland.
Somaliland waa mamuul gooni isutaagay lana baxay Jamhuuriyyada Somaliland, waxay doonayaan in ay ka go’aan Soomaaliya si ay u noqdaan dal madaxbanaan.
Soomaali weyn waa magac u taagan qowmiyadda soomaalida ee ku dhaqan geeska afrika. Qowmiyadda Soomaalidu waa dad aan yarayn tiro ahaan oo qiyaastii gaari kara 30 malyan. Soomaalidu waxay kala dagaan shanta soomaali ee gumeystuhu u qeybshay soomaalida. Shantaas oo kala ah Soomaali Galbeed oo Itoobiya la raacshay. Jibuuti oo gumeystihii faransiisku haystay inta aysan noqon dal madax bannaan, Nfd oo la raacshay Kiiniya , waqooyi iyo kooonfur oo ay kala gumeysteen Ingriiska iyo Talyaaniga, kadibna xornimadii markii ay heleen loo aqoonsaday hal dal oo madaxbanaan oo la dhaho Soomaaliya.
dadweynaha – dagan | invånare |
Caasimadda | huvudstad |
magaalooyin waa weyn oo kale | andra stora städer |
Wabiyo | floder |
bado | haven |
buuro | berger |
af / luuqad | språk |
nooca lacagta | valuta |
cimilo | klimat |
Weydiimo
Ka soo warceli weydiimahan hoos ku xusan!
- Soomaaliya qaaradee bay ku taallaa?
- Waa imisa dadweynaha Soomaaliya?
- Soomaaliya waxay kala leedahay xad dhanka galbeed ………………………….
- Soomaaliya waxay kala leedahay xad dhanka waqooyi ………………………….
- Soomaaliya waxay kala leedahay xad dhanka koonfur ………………………….
- Lacagta soomaaliya laga isticmaalo magaceed?
- Sheeg buurta ugu dheer Soomaaliya?