SIR MA QABE ALLAA U SAHAN AH!
Nin baa wuxuu lahaa laba xaas. Labada oori mid buu aad u jeclaa. Midda uu aadka u jecelaa, waxay ahayd madhaleys.haseyeeshee ninku wuxuu aad u jeclaa in ay tan uu jecel yahay yeelato ubad.
Waxaa uur yeelatay xaaskiisii kale, Markay umushay ayuu habeenkii u soo dhacay sidii bahal. Wuxuuna qaatay wiilkii yaraa ee ay dhashay. wuxuuna u geeyey xaaskiisii kale ee uu jeclaa. Hooyadii baroor iyo sawaxan ayey ku dhufatay, dadkii oo dhan baa soo baxay isagiina isaga oo iska dhigaya khabarmaadaar ayuu yimid waxaana loo tacsiyeeyey hooyadii umusha ahayd oo lagu yiri: Waan ka xunnahay in uu bahal kaa qaatay wiilkaagii yaraa.
Naagtii kale iyadoo jilaysay in ay uur leedahay ayaa la soo sheegay in ay iyaduna wiil umushay.
Waqtigii baa wareegay, wiilkiina barbaar buu noqday, wuxuu xan ku maqlay in hooyadii tahay islaanta kale ee aabbihiis qabo. Wuxuu akri jiray hooyadiis oo qariib ah oo darxumo badan ka muuqaqto, oo arradan, oo madaxeeda gambo yari saaran tahay.
Maalin maalmaha ka mid ah ayuu duulaan tahgay wiilkii, wuxuu ka soo gadoomay duulaankii isaga oo alalaasaya watana hilbo kurus u badan, siduu u soo socday ayuu gurigii islaantii hooyadii ahayd ee miskiinta ahayd hor istaagay, isaga oo heesaya:
Faras waa nin ku duulay.
Kurusna waa in u duulay. Dadna waa nin dhalooday,
hooyaday gamba dhegey ka dhigdhigo.
Dulucda sheekadan
Wax haddii aad qariso mar un baa la ogaan.
Sir ma qabe Allaa u sahan ah.
Bohol khiyaano ha qodin, haddaad qoddana ha dheerayn ku dhici doontaana ma ogide!
oori | ningka naagtiisa ( xaaskiisa) |
say | naagta ninkeeda / haweenayda ninkeeda, bilcaanta ninkeeda |
W.Q
Maxamuud Naasir ( Manaasir)