SHANTA TIIR EE ISLAAMKA

SHANTA TIIR EE ISLAAMKA

Diinteenna islaamku waxay ku dul dhisan tahay shan tiir. Waa shan shardi oo laga rabo qofka muslinka ah in uu rumeeyo, sameeyo, ku dhaqmo. Shanta tiir ee islaamku waxay kala yihiin:

  1. In la qiro (rumeysto) in uusan jirin Ilaah xaq (gar) lagu caabudo Ilaahay mooyee. Iyo in uu yahay Nabi Muxammed ergaygii Ilaahay u soo diray caalamka oo dhan.
  2. In la oogo (tukado) salaadda.
  3. In la bixiyo sakada ( xoolaha la siiyo dadka sakada muteystay, sida saboolka, masaakiinta, socotada, dadka qaameynsan iwm.
  4. In la soomo bisha Ramadaan.
  5. In la gudto ( la aado xajka ) qofka awooda gudashadiisa muruq iyo maalba.( Qofka haysta caafimaad iyo kharash uu ku tago xajka)
shantan tiir ee Islaamka qofka inkira / dafira in ay waajib yihiin, muslin ma ahaanayo, wuuna ka baxayaa xerada Islaamka.
Weydiimo
  1. Islaamku imisa tiir buu ku dhisan yahay?
  2. Muslinku waa in uu tukadaa maalintii                            6 jeer   5 jeer     10 jeer
  3. Bisha Ramadaan waa bisha                                                 9aad     7aad        6aad
  4. Nabi Muxammed s.c.w wuxuu ku dhashtay….             Daaif           Maka      Madiina
  5. Nabi Muxammed s.c.w wuxuu ku dhintay….               Daaif           Maka      Madiina
  6. Salaadda marka la tuanayo waa in la                             qabeystaa           waysaystaa

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *