Dhulgariir weyn ayaa ka dhacay Morooko

Dhulgariir weyn ayaa ka dhacay Morooko

Dalka Morooko waxaa ka dhacay dhulgariir weyn. Waxaa ku naf waayey ilaa 2100 oo qof. Waxaana ku dhaawacmay dad aad u tiro badan.

Dhulgariir kani wuxuu dhacay habeenkii sabtida, halmar un buu dhulkii billaabay in uu gariiro. Meesha uu ka dhacay dhulgariir kani waa meel u dhaw magaalada Maraakish kagana beegan dhanka koonfureed.

Deegaanka Al-xaws tuulooyin badan baa dagey, guryo aad u badanna way dumeen.

Ku dhawaad 20 qoys ayaa imika haysan hoy ay galaan.

Run ahaantii Marooko waxay u baahan tahay gurmad iyo kaalmo. Waxay ku hawlanyihiin ilaa iyo hadda sidii loo qufi lahaa guryaha dumay oo looga soo saari lahaa dadka la filayo in ay wali nool yihiin.

Dalal badan baa u gurmaday oo gargaar u geeyey dalka Morooko.

Sahra Benbirik waxay ku nooshahay tuulada Tafeqhiya, waxay ku weyday dhulgariirkan 18 qof oo ehelladeeda ka mid ahaa. Waxay ku ooyeysay hoogay oo ba’ay, dad iima hadhin!

Sida khubaradu sheegayaan dhulgariirkani wuxuu ahaa kii u darnaa ilaa boqol sano. 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *