Sideen u caawin karnaa ilmaha si uu u barto akhriska?
Akhrisku waa karti loo baahan yahay had walba laakiin markii ay waxbarasho tahay arrintu, akhrisku waa udub dhaxaadka waxbarashada. Waa furaha lagu fahmo maadooyinka la baranayo, Ardayga akhriska ku dambeeya waxay saamayn togan ku yeelataa maadooyinkiisa kale oo uu ku habsaamaa. Hadaba si looga caawiyo ilmaha barashada akhriska waxaan idiin soo gudbinaynaa talooyinkan soo socda:
- U qoondee ilmaha xilli joogta ah oo jawigu dagan yahay, wax kale oo mashquuliyaana uusan jirin.
- Ka codso shaqaalaha maktabadda in ay kuu xulaan buugaag ku habboon ilmaha aad doonayso in aad barto akhriska, adiga oo la wadaaagaya da’da uu jiro ilmuhu.
- U dooro buug aan aad u fududayn aadna u adkayn. Waa in uu ahaadaa mid kobcinaya fahankiisa, iyo qaamuuskiisa dhanka erayada ah.
- Haddii ilmuhu aad u yar yahay, waxaa ku habboon buugaagta sawirrada leh. Buugaagta sawirada lihi waxay soo jiitaan xiisahooda.
- Ammaan oo bogaadi marka aad aragto ilmaha oo si fiican u kicinaya erayada iyo weedhaha, maxaa yeelay ammaanto waxay dhiirigalinaysaa umohoshada akhriska.