DAWAARLE & HILIBLE
Waxaa jiri jiray laba nin oo jaar (daris) ahaa. Maheradooduna jaar ahayd. Midi wuxuu ahaa dawaarle midka kalena wuxuu ahaa hilible. Waxaa jiray dad badan oo masaakiin ah oo baahan magaaladooda. Dadkaasi waxay u imaan jireen hiliblaha subax kasta. Wuxuuna siin jiray hilibluhu masaakiintaas hilib sadaqo ah.
Labada nin dadka waxay u aqoonsadeen in ay yihiin laba nin oo aan la isku soo qaadi karin.
Harqaanlaha waxaa loo aqoonsaday in uu yahay nin bakhayl ah, gacan adag oo khayr laawe ah, meesha loo aqoonsaday hiliblaha in uu yahay nin deeqsi ah oo sadaqo badan.
Wuxuu xaalku saa ahaadaba waxaa dhintay ninkii harqaanlaha ahaa.
Aroortii ku xigatay maalintii la soo duugay ayaa waxaa u yimid hiliblihii masaakiintii uu hilibka siin jiray, markaas buu ku yiri: hilib maanta idiinma hayo ee ordaya kala dareera.
Waxay waydiiyeen: Oo maxaa dhacay oo isbadalay?
Wuxuu ku yiri: ninkii idin siin jiray hilibka aniga ma ahayn ee wuxuu ahaa dawaarlihii shalay dhintay.
Dulucda sheekadan
Muhim ma aha waxa dadku kuu aqoonsadaan, waxaa muhim ah waxa Ilaahay kuu aqoonsado. Sadadaqada oo la qarsadaa waa waxyaabaha ugu rajada badan Ilaahay agtiis.
W.Q
Maxamuud Naasir