Mukulaashii aan ku soo
arkay Soomaaliya!
Soomaaliya markii aan tagay xagaagii hore waxaan soo arkay waxyaabo badan oo aan la soo yaabay. Waxaan soo arkay oo aan la yaabay bisadaha soomaaliya iyo sida ay xaasidiin u yihiin. Waxaan arkay maalin maalmaha ka mid ah bisad cunta jiirka. Subax kasta waxay ku qureecataa jiir.
Bisaddan waa bisad qurux badan laakiin waa mid camal xun. Waa bisad laayaan ah. Waxay ku nooshay ugaarsiga jiirka. Subax kasta marka ay soo toosto waxay raadisaa jiir ay cunto.
Waxay gashaa kolba meel si ay u gaaddo dooliga marka uu soo ag marana ugu boodo.Yaanyuurtani marka ay qabato jiirka horay kama cunto. Waxay jeceshahay in ay ku ciyaarto,la boodboodo, iyadoo marna sii daynaysa marna qabanaysa. Inta ay ciyaarayso jiirku waa naf la caarid wuxuuna rabaa in uu mar un ka baxsado yaanyuurtan silcinaysa.
Bisaddu marka ay ku ciyaarto cabbaar ee uu daalo dooligu ayey billawdaa in ay cunto.
Waxaan maqli jiray maahmaah tiraahda : (Bisadna waa ka ciyaar, jiirna waa ka naf ).
Waan yaabay, anigu waligay iyo Allahay ma arkin bisad jiir cunaysa tan ka hor.laakiin waxaan ogaaday mar dambe in bisadaha soomaaliya oo dhan ay cunaan jiirka, colna yihiin. Meesha aan ka imid anigu bisaduhu ma cunaan jiirka. Waxaa la siiyaa cunto loo soo iibiyey. Waa bisado xushmo leh oo la carbisto. Waxay leeyihiin guri ay galaan iyo dhakhtar la geeyo marka ay bukoodaan. Tolow ma dawlad la’aantaa ugu wacan kuwa soomaaliya?
Weydiimaha Fahanka akhriska
- Qoraagu xaggee buu aaday xagaagii hore?
- Muxuu soo arkay?
- Ma tilmaami kartaa bisadda uu soo arkay qoraagu?
- Qoraagu muxuu la yaabay?
- Ma la qabtaa fikirkiisa?
- Muxuu ka wadaa qoraagu weedhiisa: (Tolow ma dawlad la’aantaa ugu wacan?
- Erayo isku macno ah
Bisad = mukulaal = yaanyuur = basho
jiir = dooli
buka = jirran = xanuunsan
silcin= rafaadin
silac = rafaad
laayaan= dilaa
Geli erayadan weedh
Ka gabbo!
ugaarsi
col