QORAAL XAQIIQEED ( Fakta text )

QORAAL XAQIIQEED ( Fakta text )

MUXUU YAHAY QORAAL XAQIIQEEDKU? 

qoraal xaqiiqeedku wuxa uu warbixin iyo xog ka bixiyaa maaddo iyo shey jira.

Qoraal xaqiiqeedku waxaa laga helaa buugaagta waxbarashada iyo mareegaha internetka ee sayniska .

Cinwaan:

Cinwaanka uu sito qoraalku waa in uu ku qoran yahay dusha sare ee qoraalka. Cinwaanku waa in uu yahay mid ka bixinaya sharraxaad waafi ah waxa uu ku saabsan yahay qoraalku. sida tusaale ahaan: Waa maxay biyuhu?

Arar iyo furfurasho:  Furfurashada dhexdeeda waxaad ku xusaysaa waxa uu ku saabsan yahay qoraalku. si uu u garto akhristuhu una sii wado akhriska isagoo xiisaynaya.

Dulucda qoraalka: Waxaad ku sheegaysaa qoraalkaaga qodobka kasta warbixintiisa rasmiga ah waxaadna ku qoraysaa warbixin kastaa farqad gooni ah. Si akhristuhu uu u akhriyo si fudud.

Gunaanad: Waxaad qoraalkaaga ku soo gunaanadaysaa soo koobid iyo isku ururin warbixintii aad ku soo qortay qeybihii kore ee qoraalka.

FG:

Farqad kastaa oo cusubi waxay yeelan kartaa cinwaan gooni ah. Laakiin waxaa ugu muhim san cinwaanka ugu horeeyey ee qoraalka.

WAA MAXAY BIYUHU?

Biyuhu waa maaddo aan laga maarmi karin. Noloshu waa biyo, biyaha la’aantoodna lama noolaan karo. Biyaha waxaa ku nool dadka , xayawaanka dhirta iyo deegaanka oo dhan .Dadku haddii ay biyo waayaan way qudh baxaan. Xayawaanku haddii uu waayo biyo wuu le’dee. Dhirtu hadday waydo biyo way qallashaa. Ubuxu haddii uu biyo waayo wuu qaadhaa (dhadhaa ) . Jirka baniiaadamka 70% waa biyo. Haddii biyaha lagaa miiro waxaad noqon qolfoof aan culays lahayn. Eebbe sare ahaaye wuxuu ku sheegay kitaabkiisa kariimka ah ( Waxaan ka yeelnay biyaha nolasha wax kasta. Ee miyeysan rumeynnaynin ) Suuradda Anbiyaa / Aayadda 30 aad.

Erayga biyo afsoomaali ahaan waa bi-iye. Waxay bi’iyaan oonka, uskaga (wasakhda ) iyo dhadhanka aan loo baahnayn.

Gunaanad: 

Waxaa marag ma doonta ah in biyuhu yihiin halbawlaha nolosha. mana jirto cid noolaan karta biyo la’aan.   W.Q / Maxamuud Nassir ( Manaasir )

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *