AFKA HOOYO WAA LAMA HUR’AAN
Afka hooyadu waa luuqadda ama afka hooyadu ilmaheeda ku anqariso. Waa afka hooyadu ku hadasho asal ahaan iyo isir ahaanba. Afka hooyada waxaa la siiyaa mudnaan dheeri ah waayo afka hooyadu waa kaabe-afeed fududeeyaa barashada afafka kale. Guud ahaan afku waa awood iyo karti, waana weelka dhaqanka weeleeya isla markaana dhawra. Taa macnaheedu waxa weeye, haddii aad af taqaanid waxaad taqaanaa dhaqanka afkaasi sido.
Waxaa dhici karta qofku hadii uu barto afaf badan in uu noqdo qofaf badan. Middaasina waxay u soo kordhinaysaa jaanisyo iyo farsado badan oo uu yeesho qofkaasi. Bilmatal haddii aad shaqo-raadis tahay ood hal af taqaanid deetana tartan la gashid qof yaqaana afaf badan waxaa lagaa doorbidi oo la qaadani qofkaas kale waayo wuxuu buuxin karaa kaalin aadan buuxin karin nadigu luuqad la’aan awgeed.
Cilmi baaris la sameeyey waxay gaartay in ilmaha afka hooyo ku fiicani kaga fiican yahay barashada luuqadaha kale iyo fahankoodaba midka aan ku fiicnayn afkiisa hooyo.
Kulul | qabow |
dheer | gaaban |
cir | dhul |
qoyaan | qalayl |
qurux | foolxun |